Ururka qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) wuxuu hambalyo u dirayaa hogaanka iyo xubnaha ururka saxafiiinta Galmudug ee (GALJA).
Xubnaha NUSOJ waxay guul iyo horumar u rajaynayaan hogaanka cusub ee GALJA, waxayna u xaqiijinayaan inay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan.
NUSOJ waxaa kale oo ay bogaadinaysaa guddiga qaban qaabada shirweynaha weriyeyaasha Galmudug ee 25kii Agoosto lagu soo gabagabeeyey magaalada Dhuusamareeb iyo cid kasta oo dadaal ku bixisay dhismaha ururka iyo doorashadii hufnayd ee lagu doortay hogaanka GALJA.