Ururka suxufiyiiinta Galmudug oo doortay hogaan cusub.
25 -2022 Shirweynihii Koowaad ee Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA ayaa Maantay lagu doortay hoggaan cusub oo Kumeel gaar ah. Ergooyinka 30 xubnood oo ka kala yimid Degmooyinka Galmudug ayaa doortay xubnaha hogaanka ururka oo mudo sanad ah hogaamin doona Ururka suxufiyiinta Galmudug, Xubnaha la doortay ayaa kala ah gudoomiyaha Ururka oo loo doortay Axmed Cabdulaahi cali (Taakilo) Gudoomiye ku xigeenka ayaa loo doortay Ayaanle Cabdulaahi jaamac halka Xoghayaha guud ee ururka loo doortay Maxamuud Cismaan Cabdille (Beerey) Dhinaca kale Ergada Ururka ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Xeerka Ururka ,Magaca iyo Astaanta cusub ee ururka.
Shirweynaha Ururka oo socday 22 ilaa 25 Bisha waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ,Xildhibaan Canab Cusuble ,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirisaaq Mire Dhoore iyo xubno qeybaha kala duwan ee bulshada yaridka.
“Sharaf ayey noo tahay in nalagu aamino Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Galmudug waxaan xooga saaraynaa in mudada kooban ee naloo igmaday aan wax badan ka qabano howlaha baaxada leh ee na horyaala,dhammaan xubanaha ururka waxaan ka codsanaynaa inay si buuxda noola shaqeeyaan ” ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta GALJA Axmed Cabdulaahi Cali Taakilo