Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska Xuquuqda Aadanaha iyo Hay’adda UNICEF, ayaa maanta 20 saxafi oo ka kalayimid qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Galgaduud, tababar ugu qabtay Magaalada dhuusamareeb caasimada Galmudug.
Tababarkan oo kor loogu qaadayo xirfadlayaasha warbaahinta Casiriga ah kuna saabsan hormarinta xaquuqda aadanaha.
Tababarka waxaa ka soo qeybgalay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, Wasiirka kuxigeenka Warfaafintya Galmudug Xuseen Xersi Faarax iyo agaasimaha Tababarada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Xasan Cabdiraxamaan Fantistic.
Ugu horeyn, Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle ayaa soo dhaweeyay wariyaasha iyo ka qeybgalayaasha shirka Isagoo ka hadlayay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan waxa uuna ku booriyayay wariyaasha ka faa’iideysanaya tababarkan si looga mira dhalinyo hormarinta difaaca xaquuqda aadanaha.
Tababarkan waxaa daah-furay , Wasiirka kuxigeenka Warfaafintya Galmudug Xuseen Xersi Faarax isagoona soo dhaweeyay dadaalka Ururka saxafiyiinta Galmudug ugu jiraan kor u qaadista xaquuqda aadanaha wuxuuna ku bogaadiyay in warbaahinta casrigaa ay kawanagsantahay warbaahintii hore marka la eego xaquuqda aadanaha iyo u qareemista bulshada.
Ugu danbeyntii waxaa loo mahadceliyay Hay’adaha UNSOM iyo UNICEF oo suurtagaliyay qabsoomida Tababarkaan qiimaha badan