Kulan balaaran oo lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee ( GALJA ) Mudane Axmed Cabdullaahi Cali ( Taakilo ) iyo Dhamaan Hogaanka sare ee ururka ayna soo qaban qaabiyeen Wariyaasha Gobalka Mudug ayaa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Waxaa ka qeyb galay kulanka oo goobjoog ahaa Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug Baashi Cali Xaashi , Agaasimaha Warfaafinta iyo wacyi gelinta Maamulka Degmada Gaalkacyo Siraaji Yuusuf Sugaal , Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Galmudug Axmed Taakilo , Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee ( NUSOJ ) Burhaan Cabdullaahi Xaashi iyo Wariyaasha Gobalka Mudug.

Dhamaan Wariyaashii iyo masuuliyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyay dhismaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug oo baahi weyn loo qabay iyagoo garab istaag u muujiyay Hogaanka la doortay ee Ururka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug Axmed Taakilo iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle ( Beerey ) iyo Gudoomiye Ku xigeenka ururka Ayaanle Cabdullaahi Jaamac oo dhawaan lagu doortay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug Taakilo ayaa u mahadceliyay Wariyaasha Gobalka Mudug oo iyaga oo isku duuban taageeray hogaanka sare ee Ururka Suxufiyiinta Galmudug, wuxuuna sheegay in ururku diyaar u yahay ka shaqaynta Wadajirka iyo Horumarinta Dhamaan Wariyaasha Deegaanada iyo Degmooyinka Galmudug ka hawlgala.