Warsaxaafadeed 31-Agoosto-2022

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug ayaa ugu horeeyn soo dhaweeyneysa Ururka Suxufiyiinta Madaxabanaan ee Galmudug (Galmudug Journalists Association) hogaan kooda cusub dhawaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb Caasimada Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Ahmed Shire Mohamud Falagle ayaa soo dhaweeyay doorashada hogaanka cusub ee Ururka Suxufiinta Galmudug GALJA.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug waxa ay markasta u taagantahay hormarinta Warbaahinta Madaxabanaan iyo tan dowladaba iyo sidii loo dhameystiri lahaa baahiyaha kala duwan ee Warbaahineed ee ka jira guud ahaan deegaanada Galmduug.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa ku boorisay dhammaan Hay’adaha iyo Ururada Taageera Warbaahinta iyo Wariyaasha in ay la shaqeeyaan Ururkan GALJA oo ah Urur ay ku midoobeen Wariyaasha iyo Warbaahinta Galmudug.

Ugu danbeyntii waxaan bogaadinaynaa dhammaan cidkasta oo gacan ka geystay dhismaha Ururka Suxufiinta Galmudug waxaana ugu baaqayaa GALJA in ay qeyb ka qaataan dowlada dhiska Galmudug iyo barbaarinta iyo hanuininta Shacabka Galmudug