Isutagga Suxufiiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxaa uu hambalyaynayaa Suxufiyiinta Galmudug oo samaysatay Urur madax banaan oo ka shaqeeya danahooda ee Dawlad goboleedka Galmudug.
Xoghayaha guud ee ururka FESOJ Faarax Cumar iyo Gudoomiye Abaadir Cabduqaadir ayaa muujiyay inay garab taagan yihiin suxufiyiinta Galmudug ee dhistay urur ayaga ay leeyihiin.
Madaxda FESOJ ayaa guul u rajeeyay hoggaanka la doortay ee Ururka Suxufiiyiinta Galmudug ee kala ah:
Xoghaya Guud Maxamuud Cusmaan Cabdulle, Guddoomiyaha Ururka Axmed Cabdullaahi Cali, Guddomiye Kuxigeen Ayaanle Cabdullahi