Galkacyo -Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska Xuquuqda Aadanaha iyo Hay’adda UNICEF, ayaa maanta soo qabanqaabiyay tababar labo maalmood soconaya oo ay ka qeybgalayaan 25 suxufi oo ka mid Wariyaasha ka howlgala Gobolka Mudug.

Tababarkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayo doorka Warbaahintu ku leedahay wax ka qabashada Takoorka ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la haybsooco.

Tababarka waxaa ka soo qeybgalay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi Agaasimaha guud wasaaradda Gargaarka Galmudug Maxamed Cabdullaahi Wardheere , Taliyaha booliska degmada Galkacyo Cali Xersi Sahal, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka mudug Maymuun Cali Geyfane iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn, Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle ayaa soo dhaweeyay wariyaasha iyo ka qeybgalayaasha shirka Isagoo ka hadlayay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan waxa uuna ku booriyayay wariyaasha gobolka mudug in ay ka faaiideystaan tababarkan aynatahay in wariyaasha ay dabaqaan waxyaabaha ay ku bartaan tabarkaan.

Tababarkan waxaa daah-furay Gudoomiye kuxigeenka degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi Wuxuu sheegay in warbaahinta iyo boolisku ay muhiim tahay in ay isla fahmaan xorriyadda hadalka, ayna lagama maarmaan tahay in la kobciyo aqoonta wariyaasha si bulshada waxbadan looga badalo gudoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), Xafiiska UNSOM iyo UNICEF oo iska kaashaday qabsoomida tababarkan.